Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xildhibaan lagu Dilay Magaalada Muqdisho


Dabley hubeysan ayaa maanta Muqdisho ku dilay xildhibaan Cabdulaahi Xuseen Baantuu oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaankan ayaa baarlamaanka ku soo biiray, isagoo baddalay aabihii Xuseen Maxamuud Baantu oo xanuun uu geeriyooday horraantii sannadkan.

Dilka xildhibaanka ayaa dhacay kadib markii laga soo baxay fadhi uu lahaa baarlamaanka Soomaaliya.

Ururka al-Shabaab ayaa sheegtay mas'uuluiyadda weerarka lagu dilay xildhibaan Cabdullaahi Xuseen.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh ayaa canbaareeyey dilka xildhibaanka, wuxuuna sheegay in dilkani uusan horistaagi doonin in Somaaliya hore u sii dhaqaaqdo.

XS
SM
MD
LG