Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Obama iyo Kenyatta oo ka Halday al-Shabaab


Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa sheegay Maraykanka iyo Kenya inay ka mideysan yihiin dagaalka argagixisada.

Madaxqweyne Obama ayaa shir jaraaid Nairobi kula qabtay dhigiisa Kenya Uhuru Kenyatta.

Obama wuxuu sheegay inay jireen iskaashiga balaadhan oo ka dhaxeesa Kenya iyo Maraykanka oo ku aadan sida loola macaamulayo al-Shabaab.

Obama wuxuu sheegay in kooxda al-Shabaab la dhimay oo la yareeyay goobihii iyo deegaannadii ururka al-Shabaab uu ka talin jiray ee Somalia isla markaana la wiiqay shabakadaha ka howgalaya bariga Africa, balse wuxuu sheegay inaysan taasi ka dhignayn in dhibaatadii la xaliyay. Obama wuxuu sheegay inay awoodaan inay hoos u dhigaan awoodda kooxaha argagixisada, laakiin ay wali kooxahan awoodaan inay burbur geysan karaan. ,

Obama wuxuu Kenya uga mahadceliyay siday ay u martigaliyeen qaxootiga Somaalida ah ee ay dagaalladu soo barakicyeen.

Mr. Obama ayaa sidoo kale ka hadlay musuqmaasuqa ka jira Kenya, waxana uu madaxweyne Uhuru Kenyatta ku ammaanay sida uu musuqmaasuqa ula dagaalamay.

Madaxweynaha Obama ayaa dhinaca kalena ka hadlay dilka loo geysto maroodiga, isagoo sheegay in maamulkiisu uu congresska u gudbin doono sharciyo joojinaya iibsiga foolka maroodiga ee dalka Maraykanka.

Shirka Jaraa'id ee Obama iyo Kenyatta
please wait

No media source currently available

0:00 0:07:59 0:00

XS
SM
MD
LG