Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Baardheere oo Lagala Wareegay Alshabaab


Ururka Al-Shabab ayaa gebi ahaanba iskaga baxay magaalada Baardheere iyadoo dhinaca Galbeed ay magaalada ay kasoo galeen ciidamada dawladda Soomaaliya iyo kuwa Kenya.

Magaalada ayaa la sheegay inaan wax dagaal ahi ka dhicin waxana wararku intaas ku darayaan in laba qof oo rayid ah oo midi yahay Nabadoon lagu magacaabi jirey Maxamed Cabudllahi Cismaan iyo qof shacab ah saaka lagu toogtay magaalada Baardheere, dilkoodana waxaa lagu eedeeyey ururka Al-Shabab.

Dhinaca kale hawlgallo milatari ayaa maanta kasii socday Gobolka Bakool iyadoo ay soo baxayaan warar sheegaya in dad rayid ah ay ku dhinteen dagaalladan kadib markii ay dhexda u galeen dhiancyada dagaalamaya.

Haddaba waraysiyo iyo warbixinno arrintan ku saabsan halkan hoose ka dhegeyso.

Ciidamada oo gaadhay Baardheere
please wait

No media source currently available

0:00 0:16:14 0:00

XS
SM
MD
LG