Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ciidamada Somalia iyo kuwa AMISOM oo Gaadhay Baardheere


Ciidamada Kenya iyo kuwa Soomaaliya ayaa gudaha u galay degmada Baardheere, taas oo ah mid ka mida magaalooyinkii ugu dambeeyey ee ay ku xoogga badnaayeen ururka Alshabaab ee ku yaalla gobolka Gedo.

Dadka deegaanka ayaa xaqiijiyey in ciidamo Kenyan iyo Soomaali isugu jira ay xilligan ku sugan yihiin Buundada kala qaybisa magaalada Baardheere.

Maleeshiyada ururka Alshabaab ayaa magaalada uga baxay dhinaca koonfureed ee ku aaddan gobolka Shabeellada Dhexe.

Ciidamada Ethiopia oo weerar kale waday ayaa gaadhay Dalcadda halkaas oo qiyaastii 15KM dhinaca bari ka xigta magaalada Baardheere.

Wixii warar ee ka soo kordha kala soco VOA.

XS
SM
MD
LG