Isku xirrada

War Deg-Deg ah

GalMudug: Caabud-Waaq Annagaa Gacanta ku Hayna


Cadaado
Cadaado

Maamulka Galmudug ayaa beeniyey in maamulka Ahlu-sunna ay qabsadeen magaalada Caabud-waaq, iyaga oo sheegay in magaaladaas ay gacanta ku hayaan maamul iyaga ka amar qaata.

Madaxweyne ku Xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi Carrabay oo u waramay VOA ayaa sheegay inuu magaalada Caabud-waaq kaga yimi ergo la socotay iyo weliba maamul ay soo dhiseen.

Madaxweyne ku Xigeenka Galmudug ayaa beeniyey in maamul kale magaaladaas gacanta ku hayo.

Madaxweyne ku Xigeenka Galmudug ayaa sheegay inuu jiro wadahadal u dhexeeya iyaga iyo Ahlu-sunna kaas oo uu sheegay inuu rajo ka qabo inuu isfaham ku dhammaado.

Madaxweyne ku Xigeenka ayaa ka hadlay kulan ay la qaateen Ra'iisal Wasaaraha Somalia Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, iyo weliba sida uu arko in lagu xallin karo khilaafka ka taagan dhinaca xuduudda ee u dhexeeya iyaga iyo Puntland.

XS
SM
MD
LG