Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Duqeyn Lagu Dilay Shan ka mid Askarta Afghanistan


Booliska Koonfur Bari Afghanistan ayaa sheegaya in Helicpterada Mareykanka ay si qalad ah u duqeeyeen maanta oo Isniin ah bar ay fadhiyeen ciidamada amaanka ee dalkaas, halkaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan sideed ka mid ah askarta Afghanistan dhowr kalena ay ku dhaawacmeen.

Weerarkan ayaa ka dhacay degmada la yirahdo Baraki Barak oo ka tirsan gobolka Logar, oo 50km dhinaca bari ka xiga caasimadda Afghanistan ee, Kabul.

Taliyaha Booliska ee Gobolkaas Mohammad Daoud Ahmadi ayaa u sheegay warbaahinta maxaligga ah in duqeynta loola dan lahaa goob ay ku sugnaayeen mintidiinta Taliban oo qiyaasti 5km u jirtay saldhigga sida qaldan loo duqeeyay ee ciidamada militariga ee Afghanistan.

Saraakiisha Mareykanka ee ku suggan Afghanistan ayaa sheegay inay la socdaan sida wax u dhaceen baarisna ay wadaan, laakiin waxey ka gaabsadeen inay ka hadlaan qasaaraha ka dhashay duqeynta.

XS
SM
MD
LG