Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Khamenie: Mowqifkeenii Maraykanku Isma Baddelin


Hoggaamiyaha Ruuxiga ah ee dalka Iiraan Ayatullah Cali Khamenei ayaa u sheegay dadka reer Iiraan in heshiiskii toddobaadkii hore ay la galeen dalka Maraykanka iyo quwadaha waaweyn aanu muujinayn inuu jiro wada-shaqayn ay Maraykanka kala sameynayaan arrimaha kale ee labada dal ku kala aragtida duwan yihiin.

Hoggaamiyaha sare ee dalka Iiraan Ayatollah Cali Khamenei oo ka hadlayey heshiiskii hubka Nukliyeerka ee dalkiisa iyo quwadaha waaweyn dhexmaray ayaa ku adkaystay inaanu ka hadhi doonin inuu ka horyimaaddo siyaasadaha dalka Maraykanka ee ku aaddan Bariga Dhexe, isaga oo tilmaamay in Maraykanku uu raadinayo inay Iiraan isdhiibto.

Hoggaamiyaha sare ee dalka Iiraan oo kala hadlay shacabkiisa telefiishanka dawladda maalinta ciidda awgeed ka hor intii aanu jeedin khudbad uu si weyn ugu duray Maraykanka iyo Isreal taas oo hadalada khudbaddaas ku jiray ay ka mid ahaayeen “Dhimashada Maraykanka” ama Dhimashada Isreal”.

Khamenei ayaa sheegay inuu u baahan yahay in siyaasiyiintu ay dhuuxaan heshiiska si ay u xaqiijiyaan Danaha Qaranka, iyada oo dalkiisa Iiraan aanu ogolaan doonin wax carqalad gelinaya aasaaska mabaadi’da kacaaka dalkiisa ama awoodda difaaca.

Hoggaamiyaha sare ayaa leh kelmedda ugu dambaysa ee dalka Iiraan, wuxuuna cambaareeyey habdhaqanka dalka Maraykanka ee ku aaddan gobolka oo dhan isaga oo sheegay:

“Haddii heshiiska la ogolaado ama la diido, marna ma joojinayno taageerada aanu siino saaxiibadayada gobolka iyo dadka reer Falastiin, Yemen, Syria, Ciraaq, Baxrayn iyo Lubnaan. Xattaa heshiiskan ka dib siyaasaddayada ka soo horjeedda Maraykanku isma bedelayso” ayuu yidhi.

Heshiiskii la gaadhay salaasadii dhowayd ayaa sheegayey in cunaqabataynada saaran dalka Iran marba qayb la qaado, taas bedelkeedana ay Iiraan aqbasho heshiiska wakhtiga dheer ee ka hor joogsanaya in dalkaasi samaysto hubka Nukliyeerka, taas oo wadamada reer galbeedku u arkaan in mashruuca tamarta Nukliyeerka ee dalkaasi wado uu uga danleeyahay inuu uga gudbo hubka Nukliyeerka. Hase ahaatee Iran iyadu arrintaas way beenisay.

Hadalka ka soo baxay hoggaamiyaha ugu sarreeya dalka Iran Ayatollah Cali Khamenei ayaa ku soo beegmaya xilli ay jirto xiisad ku aaddan is aaminaad darro weyn oo dhextaalla Maraykanka, taas oo Iiraan u aragto in Madaxweynayaasha Maraykanku ay baadigoob ugu jiraan in Iiraan ay isdhiibto, isaga oo ku baaqay in haddii dagaal uu yimaaddo uu Maraykanku noqonayo cidda khasaaraha ugu weyni soo gaadhayo.

“Maraykanku waxay sheegeen inay dalka Iran ka joojiyeen inay hesho hubka Nukliyeerka, way ogyihiin inaanay taasi run ahayn, waayo waxaanu soo saarnay fatwa mamnuucaysa in diin ahaan uu mamnuuc yahay hubka Nukliyeerka ahi marka loo eego shuruucda diinta Islaamka” ayuu yidhi Ayatollah Khamenei.

Hoggaamiyaha sare ee dalka Iiraan ayaa sheegay in siyaasadaha Maraykanka ee gobolku ay yihiin kuwo si weyn oga soo horjeeda siyaasadaha iyo danaha dalkiisa.

XS
SM
MD
LG