Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kenya: Suuqa Westgate Oo Dib Loo Furay


Furintaanka suuqan ayaa ku soo beegamaya iyadoo toddobaadka soo socdo dalka Kenya uu booqasho ku tagi doono madaxweynaha dalka Mareykanka Barack Obama.

Suuqan ayaa si weyn loo casriyeey taasoo la soo dhigay illa iyo lix mishiin oo ogaan kara in qofku uu sito hub iyo qalab kala oo qeyl-dhaan sameynaya, iyadoo minraadda sarena la dhigay ciidan illaalo joogto ah.

Tiro aan badneyn oo ka mid ah shaqaalaha suuqan oo goob joog ka ahaa xilligii uu weerarku dhacay ayaa maanta dib ugu soo laabtay suuqa, xagga mikiilayaasha ganacsiga suuqa ayaa rajo weyn ka muujiyey in suuqu uu dib u hanan-doono kaalintii uu ku lahaa suuqyada magaalada Nairobi.

Xubno ka tirsan maleeshiyada Alshabaab ayaa weerar ku qaaday suuqa Westgate 21-kii bishii September ee sanadkii 2013-kii xilligaasoo ay weerarkaasi ku dhinteen 67 qof oo ah dadkii ku sugnaa suuqa xilligii uu weerarku dhacay.

Dhageyso Westgate oo Dib loo Furay
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:11 0:00

XS
SM
MD
LG