Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Nin Hubeysan Oo Dilay Askar Maraykan ah


Ninka weeraarka soo qaaday oo intii ay israsaaseyntu socoday sidoo kale isagana la dilay ayey lammanaha ammaanku magaciisa ku sheegeen Mohammod Youssuf Abdulazeez oo ahaa 24 jir ka yimid magaalada Hixson oo deris la ah magaalada Chattanooga.

Ninka weerarka geystay ayaa la sheegay in uu xarunta ciidanka badda ee Operational Support Center uu rasaas ku furay, iyadoo dad goobjoogayaal ah ay sheegeen in ay in afar ka tirsan ciidanka baddu ay ku dhinteen mid kalana uu dhaawac culus soo gaaray.

Mohammod Youssuf Abdulazeez oo ah ninka weerarka geystay ayaa ku dhashay ku dalka Kuwait, balse qaatay dhalashada Mareykanka, kaasoo sidoo kale ka qalinjebiyey jaamacadda Tennessee ee magaalada Chattanooga.

XS
SM
MD
LG