Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Swiss oo Masaafurinaysa Mas'uul FIFA ka Tirsanaa


Masuuliyiinta dalka Switzerland ayaa sheegay inay dalka Maraykanka u masaafurinayaan mid ka mida toddoba sarkaal oo ka tirsanaa ururka cayaaraha dunida ee FIFA oo ay hore xabsiga u dhigeen.

Sarkaalkan ka tirsanaa FIFA ee la masaafurinayo ayaa maxkamad lagu saari doonaa dalka Maraykanka iyada oo loo haysto eedo musuqmaasuq la xidhiidha.

Warkan oo soo baxay maanta oo khamiisa ayaan lagu faahfaahin magaca iyo macluumaadka sarkaalka ay masaafurinayaan.

Toddobaadkii hore mid ka mida toddobada sarkaal ee ka tirsanaa ururka cayaaraha dunida ee FIFA ee ku xidhan Zurich wuxuu ogolaaday in loo masaafuriyo dalka Maraykanka.

XS
SM
MD
LG