Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Gedo: Shababka iyo Ciidanka Kenya oo Dagaalamay


Iska hor imaad dhimasho iyo dhaawac keenay ayaa maanta ka dhacay gobolka Gedo, kaas oo u dhexeeya ciidamada Kenya iyo maleeshiyada ururka Al-SHABAB.

Iska horimaadka ayaa dad goobjoogayaal ah ay sheegeen inuu dabasocday qarax miino oo lala beegsaday kolonyo ka tirsan ciidamada Kenya oo ka timid dhinaca xadka una socotay magaalada Ceel-Cadde.

Goobjoogayaal waxay sheegeen in khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh uu meesha ka dhacay, inkastoo aan si rasmi ah loo xaqiijin tirada askarta iyo maleeshiyada waxyeelladu soo gaadhay.

Iska horimaadka ayaa ka dhacay degaanka Likooley meel u dhow.

Diyaaradaha qumaatiga u kaca ee Kenya ayaa dadweynaha degaanka ay arkeen iyaga oo ku degaya goobtaasi.

Dawladda Kenya ayaan weli ka hadlin weerarkan.

XS
SM
MD
LG