Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dagaal Ka Dhacay Bakool


Ciidamo ka tirsan AMISOM gaar ahaana kuwa ka socda dalka Ethiopia ayaa lagu soo waramayaa in ay wadada u galeen maleeshiyaadka Alshabab maanta iyagoo ku sii jeedey deegaanka Waajid ee ee gobolka Bakool. Lama oga qasaaraha rasmiga ah ee ka dhashey weerarka.

Gudoomiye ku xigeenka Degmada Xudur Adan Cabdi Abaarey ayaa u sheegey VOA in weerarkaas lagu diley ilaa iyo 7 ka tirsan maleeshiyaadkii weerarka soo qaadey ee Al-shabab, wuxuuse ka gaabsadey inuu sheego qasaaraha dhanka ciidamada Ethiopia ka soo gaarey weerarkaas.

Deegaanada gobolka Bakool ayaa waxa ay maleeshiyaadka Alshababa waayadanba ka wadeen weeraro ay wadooyinka ugu galayaan ciidamada isaga kal agooshaya gobolka gaar ahaana kuwa Ethiopia.

Halkan ka dhageyso

Bakool Fighting
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:05:10 0:00


XS
SM
MD
LG