Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Askar Reer Kenya ah oo la Sii Daayey


Laba askari oo ka tirsan booliska Kenya oo al-Shabab ay laba sano kahor ka soo afduubteen gudaha Kenya ayaa la sii daayay. Askartan booliska ah oo lagu kala magacaabo Joseph Wambugu iyo Fredrick Chirchir ayaa lagu soo afduubtay weerar ka dhacay meel u dhow Garissa bishii May 2013.

Madaxa Booliska Kenya ayaa AFP u sheegay in labadan askari la soo bad-baadiyay 25-kii bishii June, balse shalay uun saxaafadda warkooda loo soo gudbiyay, wuxuuna sheegay inay haatan caafimaad qabaan.

Ma jirto warar rasmi ah oo la xaqiijin karo oo ku saabsan sida askarta loo sii daayay, balse Al-Shabaab ayaa warbaahinta u sheegtay in askartan ay sii daayeen kadib markii ay qaateen diinta Islaamka waa sida ay hadalka u dhigeene.

Warbaahinta Kenyana waxay qortay inay dhici karto in lacago madax furasho lagu bixiyay siideynta askartan.

XS
SM
MD
LG