Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ciidamo Ethiopian ah oo ku Wajahan Baardheere


Ciidamo Ethiopian ah oo wata taangiyo iyo dabaabaadka dagaalka oo 48kii sacadood ee la soo dhaafay ka soo gudbay xadka Somalia iyo Ethiopia ayaa gaaray Magaalada Luuq ee Gobolka Geddo.

Goob joogayaal ayaa u sheegay Idaacadda VOA in ciidamadan ay qiyaastii gaarayaa sadex kun oo askari oo wata gaadiidka dagaalka.

Ciidamadan ayaa socod ku dhex maray Magaalada Luuq iyagoo uga sii gudbay dhinaca wada Aadan Gobolka Baay.

Goob joogayaasha ayaa sheegay in qaar ka mid ah gaadiidkii ay arkeen ay ka muuqdeen calaamada ciidamada nabad ilaalinta Midowga Africa.

Masuuliyiinta maamulka KMG ah ee Jubba ayaa horey u sheegay inay wadaan qorshe ay al-shabab uga saarayaan dhulka ay wali ka taliyaan ee Jubbooyinka.

XS
SM
MD
LG