Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wadahadalka Nukliyeerka Iran oo Waqtiga Loo Kordhiyay


Iran iyo lixda Quwadood ee dunida ee wadahadalka kula jira ayaa si wada wada xaajoodkooda magaalada Vienna maanta oo Arbaca ah, ka dib markii ay ka gudbeen markii labaad waqtigii kama dambeysta ahaa ee ay qabsadeen si heshii ay uga gaaraan barnaamijka Nukliyeerka Iran.

Wada xaajoodayaasha ayaa hadda qabsaday ilaa iyo maalinta Jimcaha ah ee soo socota inay ku gaaraan heshiis dhameystiran.

Diblomaasi reer Galbeed ah oo ku suggan xarunta Austria ee Vienna ayaa sheegay in wada hadalada Iran muddada loo kordhiyay Talaadadii shalay iyadoo dadaal aan kala go’o laheyn uu socday.

Diplomaasigan oo aan la magacaabin dalka uu matalo ayaa u sheegay wariyeyaasha inay adagtahay in la saadaaliyo in wada hadaladan ay guuleysan karaa 48ka saacadood ee ka harsan waqtiga kama dambeysta ah ee haatan ay qabsadeen dhnacyada.

Masuul Sare oo ka tirsan wada xaajoodayaasha Iran oo lagu magacaabo Cabaas Araqachi ayaa sheegay in waqtiga kama dambeysta uusan aheyn , xad aan la dhaafi karin.

XS
SM
MD
LG