Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxda Yurub oo Kullan Deg Deg ah ka Leh Giriigga


Madaxda dalalka ku bahoobay Midowga Yurub ayaa maanta oo talaada ah shir deg deg ah ka leh mushkiladda dhaqaale ee Giriigga ka oogan.

Kulankan oo ka dhacaya Magaalada Brussels ayey madaxda Yurub doonayaan inay go’aan uga gaaraan in bangiyada Giriigga la furo dabayaaqada todobaadkan iyo inay sii xiraadaan.

Bangiga Dhexe ee Yurub oo ka mid ah hey’adaha ugu waaweyn ee lagacaga deynta siiya Giriigga ayaa cadadiska ku kurdhiyay xukumadda Athens Isniintii shalay, ka dib markii uu sheegay inuu go’aan ku gaaray in aanu deyn deg deg ah siineyn bangiyada Giriigga.

Hadii aysan helin kaalmo Dibadda ah, Bangiyada Giriigga ayaa la filayaa in lacagtu ka dhamaato ugu horeyn Arbacada berito ah, iyadoo xukumadda Giriiggana aysan u muuqan mid iska bixin karta balaayiin deymo ah oo shirkadaha deymaha ee Yurub ay ku leeyihiin, oo laga doonayo inay bixiso dhamaadka bishan.

Ra’isul Wasaaraha Jarmalka, Angela Merkel, oo ka hadlaysay Isniintii la soo dhaafay magaalada Paris xilli uu dhinac taagnaa Madaxweynaha Fransiiska, Francois Hollande, ayaa sheegtay in shuruuradaha ay reer Yurub ku xireen lacagta deynta samata bixinta dhaqaalaha Giriigga, aan la fulin, waxeyna ugu baaqday madaxda Giriigga inay si deg deg ah heshiis ula gaaraan shirikadaha deymaha ee Europe, si ey uga sii mid ahaadaan xeyn daabka dalalka adeegsada lacagta Yurub.

XS
SM
MD
LG