Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Obama: Dagaalka ISIS Wakhti Dheer ayuu Qaadan


Madaxweynaha dalka Maraykanka Barack Obama ayaa sheegay in dagaalka lagula jiro kooxda Daacish uu wakhti badan qaadan doono, isla markaana u adkaan doono una baahan doono wax ka badan tallaabo milateri si guul looga gaadho.

Madaxweynaha ayaa sheegay inaanay tani noqonay wax si dhakhso ah loo gaadho hase ahaatee ay noqonay olole wakhti dheer socda.

Madaxweynaha ayaa hadalkan ka sheegay ka dib markii uu ka soo baxay kulan uu Wasaaradda Difaaca kula yeeshay Guddida Amniga Qaranka.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay inay wakhti u baahan tahay in xididada loo siibo kooxda Daacish si taas loo gaadhona loo baahan yahay inay door ka qaataan ciidamada gudaha oo helaya tababar iyo taageero xagga cirka ah oo ay fuliyaan isbahaysiga Maraykanku hoggaaminayo.

Madaxweynaha oo khudbad jeediyey ayaa sheegay inay jirayaan xilliyo la sameeyo horumar hase ahaatee ay dhici karayso inay yimaaddaan guul darrooyin, wuxuuna ballanqaaday inuu ka adkaan doono isla markaana jebin doono kooxda Daacish iyaga oo aan markale Maraykanka cagaha u gelin dagaal.

XS
SM
MD
LG