Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wadaxaajoodka Nukliyeerka Iran oo Socda


Wasiirada Arrimaha Dibadda ee Iran iyo kooxda lix Quwadood ee Dunida ee wada hadalka Iran ku lugta leh ayaa maanta oo Isniin ah ku kulmaya magaalada Viena, halkaa oo ay isku dayayaan in dadaalkooda ugu dambeeya ay ka sameeyaan si heshiis looga gaaro barnaamijka Nukliyeerka ee Iran, ka hor inta uusan ka dhicin waqtigii ugu dambeysta ay u qabteen.

Diblomaasiyiinta ayaa muujiyay in xogaa horumar ah laga sameeyay wada hadalka iyo sida loogu baahanyahay in la isla meel dhiggo arrimaha aan weli la xalin ee la isku hayo, isku day la doonayo in lagu xadido howlaha Nukliyeerka ee Iran, taa bedelkeedna Iran laga khafiifiyo xuna qabateynta.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iran, Mohammad Javad Zarif ayaa u sheegay wariyeyaasha gelinkii dambe ee Axaddii shalay in weli arrimo la isku khilaafsanyahay ay jiraan, hase yeeshe labada dhinac ay isku dayayaan in xal loo helo.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, John Kerry, ayaa sheegay gelinkii hore ee Axaddii shalay inuu ku waafaqsanyahay Mr. Zarif in heshiis laga gaaro arrimahan waqti uu hadda ka dhowyahay uusan jirin.

XS
SM
MD
LG