Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wareegga 2aad Doorashada Galmudug


Waxaa si habsami leh uga socda magaalada Cadaado doorashada baaralamnaka maamulkaas uu ku dooranayo madaxweynaha maamulka.

Waxaa hadda loo gudbay wareegga 2aad ee doorashada oo socda.

Wareegii 1aad ayaa lix murashax oo ku baratamayay doorashadan ay sadex ka mid ah hareen sadexna ay u soo gubbeen wareegga 2aad sida markii horeba ay go'aamiyeen Guddiga doorashada.

Wareegga 1aad waxey murashixiinta u soo gudbay ay heleen: Axmed Macalin Fiqi iyo C/kariin Xuseen Guuleed ayaa helay min 29 cod, halka Axmed Cabdisalaan uu leeyahay 12 cod.

Murashixiinta ku haray wareegga 1aad ayaa iyana codadka u kala helay sidan:

Maxamed Cilmi Afrax ayaa helay 10 cod, Cabdi Xasan Cawaale 6 cod halka Xasan Maxamed Nuur Qalaad ouu helay saddex cod.

Murashaxa hela cod hal dheeri ah ama 50+1, ayaa ku guuleysanaya doorashadan.

Natiijada kama dambesta ah ee doorashadana waan idiin soo gudbin doonaa.

XS
SM
MD
LG