Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ka bixista Saldhigyada ee AMISOM Iyo al-Shabab


Somalia sanaidihii u dambeeyay waxaa ka jirtay rajo xooggan oo dhinaca nabadda iyo dowladnimada ah. Inkastoo amaanku aanu aheyn mid buuxa oo qaraxyo iyo dilal qorsheysan ay jireen, hadana waxaa si guud loo wiiqay awoodii ururka al-shabab, waxaa laga qabsaday dhul balaaran oo ay gacanta ku heyn jireen, laakiin bilihii u dambeeyay waxaa dhacayay dhacdooyin rajo xumo ku abuuri kara cid kasta oo horumarka Somalia ku hanweyneyd, gaar ahaan habsami u socodka qorshaha hirgelinta nidaamka federaliga ah iyo nabadgelyada.

Dhinaca kalena hagwlgalka AMISOM ayaa beeniyey inay jiraan degaano ay ka baxeen, waxayse ku adkaysteen inay jiraan dhaqdhaqaaqyo milatari oo dib loogu nidaaminayo. Khubarada darsa arrimaha ciidamada AMISOM iyo nabad ilalainta sheegey in ka sokow AMISOM oo ana haysan diyaaradaha iyo awoodda sirdoon ee ay ku burbrin lahaayeen al-Shabab iyo weerarrada ka imanaya, inay jiraan caqabado kale oo haysta hawgalka AMISOmoo ay ka mid tahay in taliyayahaasha qaarkood aysan amar ka qaadan taliska dhexe balse ay ka qaataan waddmadooda.

Warbixin iyo wareysi ku saabsan arrintaasi ka dhageyso qaybta hoose.

WARBIXINTA IYO WAREYSIGA AL-SHABAB IYO AMISOM
please wait

No media source currently available

0:00 0:11:26 0:00

XS
SM
MD
LG