Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Faaqidaadda: Xaaladda Siyaasadda iyo Amniga Somalia


Shirka Garoowe
Shirka Garoowe

Barnaamijkeena Faaqidaadda wuxuu toddobaadkan ku saabsan yahay xaaladda siyaasadeed iyo amni ee Somalia, gaar ahaa qorshaha hiigsiga 2016, qaabka ay doorasho uga dhici karto Somalia, dhaqaale la’aanta haysata dowladda ee sababtay inaan la bixin mushaharkii shaqaalaha, Guuldarada AMISOM ka soo gaartay dagaalkii Leego, iyo waxa laga filan karo doorashada madaxtinimada Maamulka Galmudug.

Waxaa arrimahaasi falanqeynaya oo barnaamijka ka qeybgalaya Cabdirashiid Xiddig, wasiiru-dowlaha arrimaha gudaha ee dowladda Somalia oo Muqdisho jooga, Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil, oo ah xildhibaan ka tirsan baarlamaanka o ku sugan Nairobi, C/rashiid Khaliif Xaashi agaasimaha machadka Heritaga oo Toronto jooga, iyo Prof. Xuseen Warsame oo macallin ka ah jaamacadda Calgary ee Canada.

Qeybta hoose ka dhageyso Barnaamijka oo dhammeystiran.

Dhageyso Barnaamijka Faaqidaadda Toddobaadka
please wait

No media source currently available

0:00 0:57:17 0:00

XS
SM
MD
LG