Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maraykanka oo Dilay Masuul sare oo ka Tirsan Daacish


Wasaaradda Difaaca Maraykanka ayaa sheegtay in weerar ka dhacay dalka Syria oo ay qaadeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee dalka Maraykanka in lagu dilay masuul sare oo ka tirsan ururka Daacish oo ka soo jeeday dalka Tunisia.

Wasaaradda Arrimaha Debedda ee Maraykanka ayaa sheegtay in Tarig bin Tahar al Awni al Harzi oo lagu dilay weerarkaas cirka ah uu ka caawin jiray ururka Daacish dhinaca dhaqaale ururinta iyo inuu dagaalyahanada ajnebiga ah ururka ku soo xidho, waxaana loogu yeedhi jiray “madaxa kooxaha fuliya weerarada isqarxinta”.

Afhayeen u hadlay Wasaaradda Difaaca Maraykanka Captain Jeff Davis ayaa sheegay in al Harzi lagu dilay weerar ay qaadeen diyaaradaha Dronesku bishii June 16-keedii oo ka dhacay deegaanka Shaddadi.

Davis ayaa sheegay in dilka masuulkani uu dhaawici doono awoodda ururka Daacish ee ku aaddan dhaqdhaqaaqa dagaalyahanada ajnebiga ah

XS
SM
MD
LG