Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Askari ka Tirsan AMISOM Oo Shabaab Isu Dhiibay


Ururka Alshabaab ma Itaal-darreeyey?
Ururka Alshabaab ma Itaal-darreeyey?

Guddoomiyaha maamulka degmada Qansaxdheere Aadan Cabdi Qooqane ayaa VOA u xaqiijiyey in sarkaalkaasi uu isku dhiibay Maleeshiyada Al-shabaab ee deegaanka Ufurow.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in sarkaalkaasi uu sii maray tuulo la yidhaahdo Geriyow oo degmada Qansaxdheere u jirta sideed KM kaasoo dadka tuuladaasi weydiisatay jidka taga deegaanka Ufurow.

Illaa iyo hadda lama ogga sababta uu sarkaalkan ka tirsan ciidanka nabad ilaalinta AMISOM faraca Itoobiya uu isku dhiibay Al-shabaab.

Taliska AMISOM ayaan weli ka hadlin sarkaalka la sheegay in uu u goostay dhanka maleeshiyada Al-shabaab.

XS
SM
MD
LG