Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kuwait: Weerarka Waxaa Fuliyey Muwaadin Sucuudi ah


Weerarka ka dhacay dalka Kuwait ayaa waxa ku dhintay 26 qof, dad kalana ay ku dhaawacmeen.

Wasaaradda arrimaha gudaha ee Kuwait ayaa sheegtay in weerarkii dhacay maalintii Jimcihii uu mas’uul ka ahaa Fahd Suleiman Abdulmohsen Al-Qaba’a.

Weerarka ka dhacay dalka Tuniisiya ayaa ka mid ahaa, saddex weerar oo kale oo dhacday saddex qaaradood oo kala duwan Jimcihii.

Ra’iisul wasaaraha Tuniisiya Xabiib Isid markiiba xoogga saaray sidii loo adkeynlaha amniga, kaddib markii nin dhallinyaro ah oo Tuniisiyaan ah uu rasaas ku furay dalxiiseyaal ku suganaa meel xeeb ah, kaasoo dilay ugu yaraan 38 qof, kaasoo markii dambe uu boolisku dilay.

Dhinaca kale Koonfur-bari dalka Faransiiska ayaa sidoo kale nin uu weerar ku qaaday xarun lagu sameeyo kiimida oo Mareykanku leeyahay oo ku taalla dalka Faransiiska, kaasoo qoorta ka gooyey hal qof kaddib jirka qofkasi ku dulqoray far Carabi ah, lana qabtay xilli uu dooneyey in uu halkasi isku qarxiyo.

Ninka geystey weerarkaasi ayaa hadda lagu hayaa xasbi.

XS
SM
MD
LG