Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Baarlamanka Giriigga oo Codsiga Dowladda Taageeray


Baarlamanka dalka Giriigga ayaa maanta oo Axad ah u codeeyay codsi dhawaan uu jeediyay Ra’isul Wasaare Alexis Sipras, kasoo uu ku dalbanayay in muddo kordhin la siiyo barnaamijka samata bixinta dhaqaalaha Giriigga oo dhawaan waqtigu ka dhamaanayo.

Dadka Giriigga ayaa afti laga qaadi doonaa shanta bisha soo socota ee July, si ey go’aan uga gaaraan barnaamijka lacagta lagu siiyo Giriigga.

Ra’isul Wasaaraha Fransiiska, Manuel Valls ayaa ka digay maanta oo Axad ah in Giriigga halis loogu jiro inuu ka baxo wadama Europe ee lacagta qura isticmaala, haddii codbixiyeyaasha dalkaasi ay barnaamijkan deynta siiya Giriigga ay diidaan.

Habeenka Talaada ee soo socota ayey ku egtahay waqtiga loo qabtay xukumadda Athens inay ku bixiso lacag gaareysa 7 bilyan oo dollar oo ay hey’adda IMFtu leedahay.

Shalay, Wasiirkada Maaliyadda ee wadama ku bahoobay Midowga Yurub ayaa kulan ay ku yeeshay magaalada Buresels ee dalka Builjumka ku diiday inay kordhiyaan barnaamijka lacagta lagu siinayo Giriigga.

Dhinaca kalena, dowladda Giriigga ayaa cambaareysay talaabdaasi. kuna eedeysay Midowga Yurub inay ugu hanjabeen inaysan muddo kordhin u sameyneyn barnaamijka lacagta lagu siiyo dalkaas.

XS
SM
MD
LG