Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Rabshado Xalay Ka dhacay Dalka Brundi


ugu yaraan laba qof ayaa ku dhimatay rabshado xalay ka dhacay caasimadda dalka Burundi ee , Bujumbura, iyadoo ay sii kordhayaan xiisadaha ka dhashay doorashada soo socota ee lagu muransanyahay.

Xisbiyada Mucaaradka ee Burundi ayaa sheegay inaysan ka qeyb qaadan doonin Doorashooyinka Qaran, iyagoo kaga ashtakoonaya, isku dayga madaxweynaha uu ku doonayo in markiisii sadexaad uu isu soo taago doorashada dalkaasi.

Axzaabta Mucaaradka ayaa sheegay inay qaadacayaan labadaba doorashooyinka Baarlamaaniga ee dhacaya berito oo Isnin ah iyo midda madaxweyne ee Iyana dhaceysa 15ka bisha soo socota ee July, iyagoo sabab uga dhigay in aaney suuragal aheyn in doorashooyin xaq ay qabsoomaan.

Qolyaha ku kacsan Madaxweyne Pierre Nkurunziza ayaa ku eedeynaya inuu jebiyay dastuurkii dalkaasi ee ka dhashay heshiiskii soo afjaray dagaalkii sokeeye, kaasoo dhigaya in laba jeer ka badan aanu isu soo taagi karin jagada madaxweynenimada.

Hasa yeeshee, Maxkamadda Dastuuriga ah ee Burundi ayaa sheegtay in madaxweynaha uu xaq u leeyahay inuu mar sadexaad isa soo taago, maadama xilligiisii ugu horeeyay uu soo doortay baarlaman oo aysan soo dooran codbixyeyaal sanadkii 2005tii.

XS
SM
MD
LG