Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Daacish oo Weerartay Kobani


Kobani
Kobani

Maleeshiyada kooxda Daacish ayaa maanta qaaday weerar ay ku doonayso inay dib ugu qabsaton magaalada Kobani ee ku taalla xadka Syira iyo Turkey.

Weerarkan ayaa ku bilowday qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay meel u dhow xadka, waxaana ku dhintay ama ku dhaawacmay tiro dad ah oo aan wali la sheegin.

Magaalada Kobani waxaa bishii Janaayo qabsaday dagaalyahanno Kurdi ah oo Maraykanku uu dhinaca hawada ka taageerayay, kadib muddo billooyin ah oo halkaasi dagaallo ka socdeen.

Daacish ayaa sidoo kale weerar ku qaaday magaalo ay haystaan ciidamada Syria oo lagu magacaabo Deraa.

XS
SM
MD
LG