Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Puntland oo Diiday Dastuurka Galmudug


Maamulka Puntland ayaa ka horyimid dastuurka cusub ee lagu ansixiyay shirka Cadaado ee maamulka loogu sameynayo gobollada Mudug iyo Galgaduud.

Puntland waxay sheegtay in dastuurkan uu tilmaamayo in xuduudda maamulka Galmudug ay gaarayso ilaa gobolka Nugaal.

Puntland waxay kaloo sheegtay in maamulka cusub ee shirkan lagu dhisayo uu horseedi doono siday hadalka u dhigtay colaad ka soo cusboonaata dadka deriska ah ee nabadda ku wada noolaa mudada faraha badan.

Dhinaca kale Cabdi Xassan Cawaale Qeybdiid oo ka mid ah musharixiinta u taagan madaxtinimada maamulka Galmudug ee lagu dhisayo shirka magaalada Cadaado ayaa difaacay dastuurka cusub ee maamulka loo ansixiyay, wuxuuna sheegay in Puntland-ba ay dastuurkeeda ku qoratay degmooyin ay wada dagaan dad ka soo kala jeeda maamuuladda Puntland iyo Galmudug.

Qeybdiid wuxuu sheegay inaan laga fursan doonin in labada dhinac ay wada hadlaan si loo xaliyo muranka xuduudaha.

Qeybta Hoose ka dhageyso hadalada labada dhinac.

Dhageyso Muranka ka Dhextaagan Puntland iyo Galmudug
please wait

No media source currently available

0:00 0:08:15 0:00

XS
SM
MD
LG