Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dunida oo Laga Xusay Maalinta Qaxootiga


Xero Qaxooti
Xero Qaxooti

Maanta waxaa dunida laga xusayaa maalinta qaxootiga adduunka.

Hay’adda qaxootiga ee qaramada midoobay ee UNHCR ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegtay in ku dhawaad 60 milyan oo qof ay qaxooti yihiin tiradaaasi oo ka badan tii sanadkii hore oo ahayd in ka badan 51 milyan oo qof

Madaxweynaha Maraykanka Baracak Obama ayaa sheegay in maalinta qaxootigu ay tahay muunaasabad xasuusinaysa maraykanka iyo caalamkaba I qiima way ay ku fadhiso nolosha qof walba oo ka mid ah malaayiintaasi qof ee gurayahooda ka soo cararay

Hay’adda ayaa sheegay in 122kii qof ee dunida ka nool uu mid ka mid ah yhay qaxooti gurigiisii ka soo cararay.

Xeryaha Dhadhaab oo ay ku jiraan in ka badan 500 kun oo qaxootiga oo Soomaali u badan ayaa maanta laga dhigay munaasabaddo lagu xusayo maalinta qaxootiga adduunka.

Warbixin arrintaasi ku saabsan ka dhegayso qaybta hoose ee boggan.

Dhegayso: Warbixin ku saabsan maalinta Qaxootiga Adduunka
please wait

No media source currently available

0:00 0:02:28 0:00

XS
SM
MD
LG