Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Chad oo Weerarro ku Qaadday Boko Xaram


Chad ayaa khamiistan sheegtay in militarigeeda uu qaaday weerarro aargoosi ah oo ka dhan ah maleeshiyada kooxda Boko Xaram ee ku sugan ee ku sugan waddanka ay dariska yihiin ee Nigeria ka dib markii dhowr qarax oo ismiidaamin ah ay horraantii toddobaadkan ka dheceen caasimadda Chad kuwaasoo ay ku dhinteen ugu yaraan 33 qof.

Militariga ayaa hadal qoraal ah ku sheegay in duqeymaha dhinaca cirka lala beegsaday lix xero oo ay fallaagadu leedahay oo loo maleynayo in ay sababeen qaraase naf iyo maal-ba leh. Ma jiran wax tafaasiil ah oo la xiriirta halka ay rasmiyan duqeymuhu ka dhaceen.

Qaraxyo ba’an ayaa maalintii Isniinta ka dhacay xarumo dhexe ooboolisku ay leeyihiin iyo akadeemiyad boolis oo ku taalla N’Djamena halkaas oo ay sidoo kale in ka badan 100 qof ku dhaawacmeen.

Ra’iisal wasaare Kalzeube Pahimi Deubet ayaa sheegay Arbacadii isagoo ka jawaabayay weerarrara in dowladdu ay dalka ka mamnuuci doonto xirashada iyo iibinta jalbaabka jirka oo dhan qariya iyo indha-shareerka.

XS
SM
MD
LG