Isku xirrada

War Deg-Deg ah

AU oo Khubaro Milateri u Diraya Burundi


Hoggaamiyayaasha Afrika ee shirka ku leh dalka Koonfur Afrika ayaa ku heshiiyey inay khubaro milateri u diraan dalka Burundi, ka dib markii toddobaadyo ay dalkaas ka socdeen mudaharaado ka dhashay markii Madaxweynaha dalkaasu uu ku dhawaaqay inuu kursiga u tartamayo mar saddexaad.

Masuuliyiin ku sugan kulanka Midawga Afrika ayaa sheegay in khubaradan milateri ay dusha kala socondoonaan waxa ka dhacaya dalka Burundi isla markaana ay talo siin doonaan saraakiisha booliska.

Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Debedda Maraykanka u qaabilsan Arrimaha Afrika Lindha Thomas-Greenfield ayaa u sheegtay VOA ka dib kulan doceedyada dhinac socda shirka Midawga Afrika, in arrinta sii hurinaysa xiisadaha ka taagan dalka Burundi inay saldhig u tahay madaxweynaha oo doonaya inuu marsaddexaad xukunka dalkaas qabto.

Linda Thomas ayaa sheegtay inay arrintani tahay go’aan siyaasadeed oo caddaan ah, isla markaana ay ka sugayaan madaxda gobolka inay ka hadlaan qodobada dastuurka ee dalkaasi, iyada oo Dastuurka Burundi aanu ogolayn in Madaxweynuhu uu marsaddexaad tartami karo.

XS
SM
MD
LG