Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xabbad Joojin Loogu Baaqay Dhinacyada Yemen


Xoghaya Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon ayaa maanta oo Isniin ah ugu baaqay dhinacyada ku dagaalamaya dalka Yemen in ugu yaraan laba todobaad ay xabadda joojiyaan inta lagu guda jiro bisha Barakeysan ee Ramadan, si dadka loo gaarsiiyo gargaarka bani aadnimo ee ay u baahanyihiin.

Bankii Moon ayaa sheegay in Bisha Ramadan oo bilaabaneysa dabayaaqada todobaadkan ay tahay bil nabadeed, oo la isu naxariisto.

Mr. Ban ayaa ka hadlayay magaalada Geneva, halkaa oo ergaygiisa gaarka ah ee Yemen Ismail Ould Cheick Ahmed lagu waday inuu kulamo gooni gooni ah kula yeesho ergo ka socota dowladda dibad joogga ah ee madaxweyne Abd Rabbu Mansour Hadi iyo falaagada Xuutiyiinta (Houthi) oo gacanta ku haya caasimadda dalkaasi Yemen ee Sanca.

Wada hadaladan Nadabeed ayaa ah isku daygii diplomaasiyadeed ee ugu horeeyay ee ku aadan xal u helista colaadda Yemen tan iyo markii ay ka sii dartay sadex bilood ka hor. Laakiin wajiyadan hore lama filayo in labada dhinac ay fool ka fool isku arkaan.

Todobaadkii tagay, Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in 21 malyuun oo ka mid ah 26 malyuun ee qof ee reer Yemen ay gargaar u baahanyihiin, dagaalkuna uu ku qasbay hal milyan oo qof inay guryahoodda ka cararaan.

Dagaalka Yemen waxaa ku dhintay in ka badan 2,500 oo qof , 11,000 oo kalena wey ku dhaawacmeen.

XS
SM
MD
LG