Isku xirrada

War Deg-Deg ah

al-Bashir oo ku Sii Jeeda Sudan


Sudanese President Omar al-Bashir looks on ahead of the 25th African Union summit in Johannesburg, June 14, 2015.
Sudanese President Omar al-Bashir looks on ahead of the 25th African Union summit in Johannesburg, June 14, 2015.

Madaxweynaha dalka Sudan , oo ay Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada Dagaalka, ayaa sida muuqata ka tagay dalka Koonfur Africa isagoo ku sii jeeda Dalkiisa Sudan.

Dayuuradda Madaxweyne Cumar Xassan Al-Bashiir ayaa la arkayay iyadoo ka duuleysa magaalada Johannesburg maanta oo Isniin ah, inkastoo aaney jirin cid xaqiijisay in dayuuradaa uu saaraa iyo in kale.

Gelinkii hore ee Isniintii , ayaa Wasiirka Warfaafinta ee Sudan waxa uu sheegay in Madaxweyne Al-bashiir uu Khartoum ku noqon doono marka uu soo dhamaado shir madaxeedka Midowga Africa ee kaa socda Koonfur Africa.

Shalay ayaa xaakin ka tirsan maxkamad ku taala koonfur Africa waxa uu soo saaray amar ugu baaqaya madaxda dalkaasi inay ka hor istaagaan Al-bashiir inuu dalkaasi ka dhoofo.

Safarada caalamiga ah ee Mr. Bashir ayaa xiisadi ka taagneyd tan iyo markii maxkamadda caalamiga ah ay ku soo oogtay dacwado ku aadan dambiyo dagaal.

Waxaa loo heystaa inuu ciidamada milatariga dalkaasi iyo maleeshiyo carbeed oo taageersan uu u diray gobolka Darfur sanadkii 2003dii si ey u xakameeyaan kacdoon hubeysnaa oo dowladiisa ka dhan ahaa.

Mr. Bashir ayaa Sudan xukumayay muddo 25 sanadood ah.

XS
SM
MD
LG