Isku xirrada

War Deg-Deg ah

US oo ugu Horreeya Soo Saarista Shidaalka


Maraykanka ayaa hoggaanka u qabtay dalalka soo saara saliidda ama shidaalka, sidaana waxaa lagu sheegay warbixin ay soo saartay shirkadda shidaalka ee BP.

Kumanaan ceel oo cusub ayaa la dalooliyey, waana tiro ku filan in Maraykanku kor u qaado wax soo saarkiisii ku aaddanaa dhinaca shidaalka isla markaana gaadhsiiyo illaa 11.6 Milyan oo foosto maalintii, waxaana tiradani ka badan tahay 16% wax soo saarka sannadkii hore.

Xaddigan cusub ee Maraykanku soo saaray ayaa ka kor marisay dalka Sucuudiga oo markii hore ahaa dalka ugu horreeya dhinaca soo saarista shidaalka dunida.

Maraykanka ayaa sheegay in kor u qaadida soo saarista shidaalkan inay ugu wacan tahay iyada oo la casriyeeyey qalabka lagu soo saaro shidaalka iyo farsamada loo isticmaaloba. Waxaana farsamadan cusubi ay sahashay in la gaadho shidaal badan oo aanay suuro gal ahayn in markii hore la gaadho.

Maadaama dalka Maraykanku xilligan hoggaanka u qabtay dalalka soo saara shidaalka waxay macneheedu noqonay inaanu ku tiirsanaan doonin iminka wixii ka dambeeya shidaalka uga iman jiray debedda.

XS
SM
MD
LG