Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Erdogan oo Ka Hadlay Doorshada Turkiga


Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan, ayaa markii ugu horeysay tan iyo markii lagu dhawaaqay natiijada doorashooyinkii baarlamanka ee dalkaasi ka dhacay todobaadkan, khudbad uga jeediyay shacabka Turkiga Telefishinka, isagoo ku dhawaaqay heshiis deg deg ah oo ay gaaraan Xisbiyada Siyaasadda si loo soo dhiso dowlad Qaran oo wadaag ah.

Isagoo ka hadlayay Telefishinka dowladda Turkiga maanta oo Qamiis ah ayuu Mr. Erdogan ugu baaqay afartii xisbi ee ku guuleystay kuraasta ugu badan baarlamanka inay u howlgalaan sidii loo dhameystiri lahaa dhismaha dowladaasi wadaagga ah.

Mr. Erdogan, oo soo ahaa Ra’isul wasaaraha Tukriga intii u dhaxeysay sanadihii 2003dii ilaa iyo 2014kii, ayaa si weyn ugu ololeeyay xisbigiisa Cadaaladda iyo horumarinta ee AKP , isagoo rajo ka qabay inuu meel mariyo dastuur cusub oo isaga siinaya awoodo dheeri ah.

Hase yeeshee, Xisbigiisa ayaa waayay kuraastii uu u baahnaa, taasoo loo arkay dherbaaxo siyaasadeed oo ku dhacday hamigiisii awoodeed.

Haddii dhinacyada siyaasadda Turkiga aysan ku heshiin inay dowlad wadaaga ah soo dhisaan muddo 45 maalmood ah, Madaxweyne Erdogan waa inuu ku dhawaaqaa wareeg cusub oo doorasho.

XS
SM
MD
LG