Isku xirrada

War Deg-Deg ah

EU oo 1.5M EURO ku Maalgelisay Cusbitaalka Hargeisa


EU Flag
EU Flag

Warsaxaafadeed uu saaray Midawga Yurub ayaa lagu sheegay in Midowga Yurub iyo hay’adaha la shaqeeya, Dhakhtarka Guud ee Hargeisa, Xafiiska Qaramada Midoobay ee Adeegyadda Mashaariicda (UNOPS) iyo Terre Solidali ay daah fureen Nidaamka diiwaangelinta bukaanka” ee Dhakhtarka Guud ee Hargeisa.

Mashruucan oo ay ku baxday illaa 1.5 Milyan oo Euro ayaa ujeedadiisu tahay in sare loogu qaado xaaladda caafimaad ee bukaanka iyo dadka kale ee isticmaala dhakhtarka iyadoo sare loo qaado waxtarka, adeega, tayada, iyo joogtaynta adeegyadda Dhakhtarka Guud ee Hargeysa.

Isticmaalka nidaamka casriga ah ee faraha sawiraya ayaa wuxuu sahlayaa in la helo xogta bukaanka ee waaxyaha caafimaadka iyo ka faa’iidaysiga bukaanka ee adeegyadda dhakhtarka.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Midawga Yurub ayaa lagu sheegay in nidaamkan cusubi uu qayb ka yahay mashruuca guud ee midawga Yurub ugu talo galay inuu ku caawiyo cusbitaalka guud magaalada Hargeisa kaas oo ay ku jiraan nashqadaha kaabayaasha cusbitaalka, iibinta qalabka dhakhtarka iyo sidoo kale dhisida awooda dhinaca maamulka iyo xisaabaadka.

XS
SM
MD
LG