Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xarumaha Doorashada Turkiga oo soo Xirmay


Dadweynaha dalka Turkiga ayaa maanta oo Axad ah u dareeray xarumaha codbixinta doorashooyinka baarlamaaniga ah ee dalkaasi, oo ah tii ugu adkeyd oo muddo sanado ah ay ku baratamaan axaabta siyaasadeed ee dalkaasi.

Doorashooyinkan ayaa ku soo beegmay xilli madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan, uu doonayo isbedello balaaran oo uu ku sameeyo dastuurka dalkaasi.

Xiisado ayaa cirka isku shareeray dalkaasi Sabtidii, markii dibad baxayaal careysan oo ka soo jeeda Kurdiyiinta ay dalbadeen, baaris buuxda oo lagu sameeyo qaraxyo bambaano oo ka dhacay isu soo bax siyaasadeed, ka hor doorashada qaran.

Ra’isul wasaaraha dalkaasi, Ahmet Davutoglu ayaa sheegay labadii qarax ee ka dhacay dibad bax ay ku dhigayeen Jimcihii taageerayaasha Xisbiga Kurdiyiinta, magaalada koonfurta ku taala ee Diyarbakir ay ahaayeen kuwo la doonayay in laglo daaciyo doorashada, iyo daandaansi dowladda ka dhan ahaa.

Ugu yaraan laba qof ayaa ku dhintay qaraxyadaa.

Xisbiga talada haya ee Cadaaladda iyo horumarinta(AKP) ayaa u baahan inuu helo aqlabiyadda doorashadan si uu u sameeyo isbedello dhinaca dastuurka ah oo awoodo dheeri ah siinaya Mr. Erdogan.

Hasaa yeeshee saadaasha codbixinta ayaa muujineysa in xisbiga AKP uu ka hooseeyo boqolkiiba 50 codadka oo ah tiradii uu u helay doorsahadii sanadkii 2011kii.

XS
SM
MD
LG