Isku xirrada

War Deg-Deg ah

B.Somalia: Baarlamanka Jubba Waa Sharci Darro


Baarlamanka Federalka ah ee Soomoalia ayaa maanta u codeeyay in baarlamaanka Maamulka KMG ah ee Jubbaland uu yahay sharci darro.

Fadhi ay maanta yeesheen ayaa Baarlamaanka Soomaaliya waxa uu u codeeyey mooshin ka dhanka ahaa baarlamaanka Jubbaland oo horey baalamanka loogu soo gudbiyay, hase yeeshee u codeyntiisa muddo dhawr jeer ah dib u dhacday.

Wararka la xiriira kulankii maanta ee Baarlamanka ayaa sheegaya in 142 xildhibaan oo soo xaadirtay 132 ka mid ah ay u codeysey in baarlamaanka Jubbaland uu yahay sharci darro, halka 6 xildhibaan ay diidey, 4-kalena ay ka aamustay.

Lama oga jawaabta ka soo bixi doonta Maamulka Jubbaland, inkastoo uu horey u sheegay in uu xiriirka u jari doono dowladda Federalka ah ee Somalia, hadii moowshinkan uu meel maro.

Halkan ka dhageyso hannaanka uu mooshinku u dhacay iyo maamulka Jubba oo sheegay in uusan iyaga wax saameyn ah ku yeellan doonin.

Mooshinka ka dhan ee baarlamaanka Jubbaland
please wait

No media source currently available

0:00 0:10:31 0:00

XS
SM
MD
LG