Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maraykanka oo Baadhaya Sepp Blatter


Hay’adaha Warbaahinta Maraykanka ayaa sheegaya in Maraykanku uu baadhis ku wado Madaxweynaha ururka Xidhiidhka Kubadda Cagta Dunida ee FIFA, taas oo la eegayo doorka uu ku lahaa fadeexadda ururkaasi hadhaysay ee la xidhiidha wax is daba marinta iyo musuq maasuq.

Wararka ayaa sheegay in Sep Blatter ay baadhis toosa ku wadaan dacwad oogayaal iyo weliba hay’adda dembibaadhista Maraykanka ee FBI, waxaana arrintani ku soo beegmaysaa saacado uun ka dib markii uu iska casilay xilka madaxweynaha xidhiidhka kubadda cagta Dunida oo maalmo ka hor loo doortay.

Sep Blatter ayaa sheegay in ururka cayaaraha dunidu u baahan yahay dib u habayn isaga oo sheegay in tallaabadan uu qaadayna ay arrintaas la xidhiidho

XS
SM
MD
LG