Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Siilaanyo oo Booqday Qaxootiga Berbera


Siilaanyo
Siilaanyo

Madaxweynaha Somaliland, Axmed Siilaayo ayaa maanta Berbera ku booqday qaxootiga ka soo qaxaya dagaallada Yemen.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa booqday xarumaha la dajiyo qaxootiga Yemen ka yimaada, gaar ahaan qaxootiga Soomaalida ah, wuxuuna dadkaasi u sheegay inaysan Somaliland waxba ka hagran doonin soo dhaweynta iyo wax u qabashada qaxootiga.

Safarkan ayaa imanaya maalmo kadib markii Somaliland ay Berbera ku horistaagtay dad qaxooti ah Soomaali ah oo ka yimid Yemen, inkastoo markii danbe la sii daayay. Talaabadaasi ayaa hadal hayn badan dhalisay, iyadoo si weyna loo canbaareeyay.

Somaliland ayaa shalay ka noqotay go'aankii ay toddobaadkii hore ay ku sheegtay inaan qaxootiga Soomaalida ah aysan ka soo dagi karin dekedaha Soimaliland.

XS
SM
MD
LG