Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maraykanka oo Cuba ka Saaray Liiska Madow


US Cuba
US Cuba

Dowlada Mareykanka ayaa dalka Cuba Jimcihii shaley aheyd ka saarey liiska dalalka ay cunaqabateyntu saarnayd, dalkan oo kamid ahaa wadamada Mareykanku uu ku eedeyo inay baxnaaniyaan Argagaxisada ayaa waxaa lasoo celiyey cilaaqaadkiisa wadanka uu la lahaa kadib muddo ku siman 50 sano.

Wax yar uun ka dib markii ay kulan wada qaateen madaxweynaha Cuba Raul Castro iyo Barack Obama bishii April, ayas Obama uu ku dhawaaqaey doonistiisa inuu Cuba ka saara liiskan, maadadama ay labadan dal tilaabo inay dib u soo nooleeyaan xariirkii diblamaasiyadeed ah ay gaareen.

Tan iyo haatan Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa sheegay inaysan jirin wax muddo ah oo loo qatey dib u furista safaaradihii labadan dal. Afhayeen u hadlay Aqalka Cadd ayaa sheegay inay sii wadayadan waxyaabaha ay labada dal u baahanyhihin inay ka wada shaqeeyaan.

XS
SM
MD
LG