Isku xirrada

War Deg-Deg ah

FIFA oo Dib u Dooratay Sepp Blatter


Madaxweynaha FIFA Sepp Blatter ayaa markii 5aad dib loo doortay, doorasho maanta ay ka qeybgaleen shirweynaha xubnaha xiriirka FIFA.

Doorashadan ayaa waxaa hadheeyay musuq-maasuq baahan oo lagu eedeeyay xubnaha sare-sare ee xiriirka caalamia ah ee FIFA.

209 xubnood oo ka tirsan xiriirka FIFA ayaa codadkooda dhiibtay doorashada oo maanta lagu qabtay magaalada Zurich, ee dalka Switzerland.

Blatter waxaa doorashadan kula tartamayay amiirka Cali bin al Xuseen oo ah dhaxal-sugaha boqortooyada Urdun.

Blatter wuxuu wareeegga koowaad ee doorashada helay 133 cod, balse muusan helin 140 codka ee loo baahnaa wareegga koowaad, laakiin musharaxii la tartamayay ayaa tanaasulay intaan la gaarin wareegga labaad.

Seppt Blatter wuxuu shirweynaha 65aad ee FIFA ka sheegay inuu kor u qaadi doona FIFA kana saari doono marxaladdan halista ah ee ay imimka ku jirto.

​7 ka mid ah saraakiisha FIFA ayaa la xiray toddobaadkan kadib markii lagu eedeeyay inay lacago musuqmaasuq ah ka qaateen dalal marti-galiyay koobka kubbada cagta caalamka.

XS
SM
MD
LG