Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxweyne Buhari oo la Dhaariyey


Goodluck Jonathan da Muhammadu Buhari a Abuja, Mayu 28, 2015.
Goodluck Jonathan da Muhammadu Buhari a Abuja, Mayu 28, 2015.

Madaxweynaha Cusub ee dalka Nigeria Muhammadu Buhari ayaa maanta si rasmi ah loogu dhaariyey xafiiska madaxtooyada, ka dib markii uu madaxweynihii hore Goodluck Jonathan kaga adkaaday doorashada madaxtinimada.

Xafladda lagu dhaarinayey Madaxweyne Buhari waxaa ka soo qayb galay tobanaan ka mida madaxda dunida iyo weliba wefti uu horkacayo Xoghayaha Arrimaha Debedda ee Maraykanka.

Sidoo kale xafladdan waxaa ka qaybgelayey Madaxweynaha Xilka ka degaya ee Goodluck Jonathan.

Mr. Buhari ayay horyaallaan inuu wax ka qabto waaweyn oo ay ka mid yihiin shaqo la’aanta oo aad u sarraysa, musuqmaasuq iyo weliba rabshadaha ay dalkaas ka wadaan ururka Boko Haram kuwaas oo ka mid ahaa arrimaha uu ku guuldaraystay inuu wax ka qabto madaxweynaha xilka ka degaya.

XS
SM
MD
LG