Isku xirrada

War Deg-Deg ah

FIFA oo Fadeexad ay Hadhaysay


Waxaa maanta furmay shirka sannad laha ee FIFA, iyadoo ay jirto fadeexad soo wajahday ururka, kadib markii saraakiisha sare-sare lagu eedeeyay musuq-maasuq iyo been.

Blatter, Madaxweynaha FIFA ayaa fadeexadda ku tilmaamay "ceeb iyo bahdil" la soo gudboonaatay ciyaaraha. Xiriirrada kubbada cagta ayaa iyagu ugu baaqay Blatter inuu iscasillo, balse Blatter ayaa baaqaasi aan dhag jalaq u siin.

Dhinaca kale, shirkaddaha waaweyn ee maalgeliya FIFA ayaa walaac ka muujiyay fadeexadda FIFA la soo gudboonaatay, waxayna ku baaqeen in si deg-deg ah wax looga qabto.

FFIFA waxay Jimacaha beri qabanaysaa doorashada hoggaanka FIFA, waxaana Sepp Blatter kula tartamaya musharaxa lagu magacaabo Prince Ali.

Waddamada Galbeedka iyo xiriiro kubbada cagta, gaar ahaan kan Yurub ee EUFA ayaa sheegay inay badankood u coddeynayaan Prince Ali.

Laakiin Ruushka ayaa ka horyimid eedaha loo soo jeediyay madaxda FIFA. Madaxweyne Putin wuxuu sheegay inuu taageersan yahay Sepp Blatter.

XS
SM
MD
LG