Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ashton:Waxaan Nahay Awoodda 1aad ee Amaanka Asia


Ashton Carter, President Barack Obama’s choice to be defense secretary
Ashton Carter, President Barack Obama’s choice to be defense secretary

Xoghayaha difaaca ee Mareykanka AshtoncCarter ayaa Arabacaddii shalay sheegay in Mareykanka uu noqonayo awoodda ugu horeysa ee dhinaca amaanka Wadama Asia ee kulaala badda Pacifigga muddo sanado ah.

Wxuuna ka dalbaday Shiimaha inuu si ded deg ah u joojiyo dhismaha Jasiiradda uu ka dhisayo biyaha Badda ee loo yaqaan South Chine Sea.

Carter ayaa hadalkan sheegay xilli uu booqasho ku marayay Saldhigga Ciidamada Mareykanka ee Pearl Harbor, ee Gobolka Hawaii ee dhaca badda Pacifigga.

Mr. Carter ayaa sheegay in waajib ay ku tahay dhamaan dalalka gobolka inay joojiyaan in muranooda ay awood military ku dabaqaan, gaar ahaan Jaziirada dhowrka ah ee lagu muransanyahay, isagoo ugu baaqay inay si nabdoon muranadooda ku xalistaan.

Mr. Carter ayaa dhinaca kale sheegay in ciidamada Mareykanka ee gobolka ka howlgala ay dayuuradahooda duuli doonaan, maraakiibtooduna mari doonaan meel kasta oo sharciga caalamiga ah u ogolyahay.

Shiinaha ayaa sheeganayay dhul ku yaala jaziirado ay ku muransanyihiin dhowr wadan oo gobolka ku yaala, isagoo dhawaan bilaabay inuu jaziirad macmal ah ka dhiso halkaas.

XS
SM
MD
LG