Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Masuuliyiin ka tirsan FIFA oo la Xiray


Xiriirka kubadda cagta adduunka ayaa waxaa Arbacadan argagax galiyay dacwadda musuq maasuqa baahsan ah ee ka dhanka ah masuuliyiintii sar sare ee hore iyo ku dhawaaqidda baaritaano kala duwan oo ay masuuliyiinta Swiss-ka ku sameynayaan eedeymaha lala xiriiriyay ee ku saabsan siinta koobka adduunka ee sanadada 2018-ka iyo 2022-ka. Dhowr ka tirsan saraakiisha FIFA ayaa lagu xiray Zurich.

Eedeymaha Maraykanka waxaa ku jira 47 dacwadood oo ka dhan ah 14 qof oo loo haysto laaluush, khayaano, iyo lacag kala gudbin taasoo ay dacwad oogayaashu sheegayaan inay ku lug leeyihiin masuuliyiinta warbaahinta oo bixinaya ama oggolanaya bixinta in ka badan 150 milyan oo dollar oo ay ku baddalanayaan xuquuqahooda suuq gaynta ee dhacdooyinka.

Wasaaradda Cadaaladda ayaa arrintaa ku sifeysay “heshiis 24-sano ah oo ay isku naasnuujinayaan iyagoo u maraya inay musuq maasuqaan cayaaraha adduunka.

Masuuliyiin ku sugan Zurich ayaa xir xiray todoba sarkaal oo ka tirsan FIFA Arbacan maanta ah iyadoo ay socoto in loo soo musaafuriyo Maraykanka . Saraakiisha dalkan maraykanka ayaa waday baaritaan dheeraad ah oo amar xiritaan ah lagu jarayo Arbacan gudaha magaalada Miami, wasaaradda cadaaladdana waxay sheegtay in afar qof oo kale ay mar horeba sheegeen kaalinta ay ku leeyihiin dacwaddan.

XS
SM
MD
LG