Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Nukliyeerka K. Waqooyi oo Laga Shiray


Saraakiil sar sare oo ka socda Mareykanka, Kuuriyada Koonfureed, iyo Japan ayaa isku raacay kulan ay maanta oo Arabaca ah yeesheen inay u baahanyihiin in cadaadiska iyo cuna qabateynta ay ku kordhiyaan Kuuriyada Waqooyi, iyagoo dhinaca kale sii wadaya dadaalada diblomaasiyadeed ee ka dhanka ah barnaamijka Nukliyeerka ee Kuuriyada Waqooyi.

Sung Kim, oo ah ergayg gaarka ah ee Mareykanka ee siyaasadda Kuuriyada Waqooyi ayaa kulankan oo ka dhacay Magaalada Seoul ka dib sheegay in hanka iyo qorshooyinka Nukliyeerka ee Kuuriyada Waqooyi uu yahay mid cad.

Wxuu sheegay inay haboontahay inay ka walaacaan heer kasta oo ay marsiinayaan horumarinta hubkooda Nukliyeerka.

Kulankan ayaa ku soo beegmay xilli Kuuriyada Waqooyi ay ku dhawaaqday inay hormar ka gaartay barnaamijkeeda hubka Nukliyeerka.

Ma jirto cid xaqiijin karta sheegashadaasi.

Muddo sanado ah ayey Kuuriyada Waqooyi waxey ku goodineysay inay Mareykanka, Kuuriyada Koonfureed iyo Japan ku weerari doonto hub nuklear ah, haddii lagu soo gardaroodo.

XS
SM
MD
LG