Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ra'iisul Wasaaraha Liibiya Oo Ka Badbaaday Isku-day Dil


Afhayeen ku hadlay dowladda ayaa sheegay in rag hubeynsan oo aan la aqoon ay rasaaas ku fureen gaariga ra’iisul wasaare Cabdullahi Al-Taani kaddib markii uu ka baxay dhisme dowlad ladeed oo ku yaalla magaalada Tabruuk ee bariga dalka Liibiya., balse uusan wax dhaawac ah soo gaarina ra’siiul wasaaraha waxaase ku dhaawacmay mid ka mid ah ilaaladiisa.

Dhinaca kale rag hubeysan ayaa sidoo kale weerar ku qaaday dhismaha baarlamaanka xilligaasoo uu ra’iisul wasaarahuh ku jiray dhismaha baarlamaanka, balse waxaa raggaasi hubeyn dib u cayriyey ciidanka ammanka ee ku sugnaa bannaanka baarlaamamka.

Xaaladda dalka Liibiya ayaa ah mid uu ka jiro jahowareer, tan iyo markii xoogga talada looga tuuray madaxweynihii hore ee dalka Liibiya Mu.amar Qadaafi kaasoo markii dambe la dilay sanadkii 2011-kii.

Xukuumadda ra’iisul wasaare Cabdullahi Al-Taani ayaa gabbaad ka dhigtay magaalada Tabruuk kaddib markii magaalada Tripoli ay la wareegeen xoogag hubeynsan.

XS
SM
MD
LG