Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Tirakoobka Dadka Somalia oo la soo Bandhigay


Tusmada Sahanka
Tusmada Sahanka

Dowladda Soomaaliya ayaa maanta soo bandhigtay natiijada sahan la xiriira tirada dadka Soomaaliyeed ee ku nool 18-ka gobol ee Soomaaliya.

Wasaaradda Qorsheynta iyo ikaashiga Caalamiga ah ayaa Muqdisho ku soo bandhitay maanta sahanka oo lagu sheegay in qiyaasta dadka Soomaaliya ay tahay 12.3 malyuun oo qof.

Tirakoobka ayaa lagu sheegay in 74% ay yihiin dad ka yar 30 jir, halka 10% ay yihiin dad barakacayaal ah.

Gobollada dadka ugu badan ay ku nool yihiin ayaa lagu sheegay; gobolkaBanaadir, gobolka Waqooyi Galbeed, Shabeellaha Hoose, Baayiyo Togdheer

Shanta gobol ee ugu dadka yar waxaa lagu sheegay inay kala yihiin; Sool, Jubadda Dhexe, Jubbada Hoose, Nugaal iyo Bakool.

C/raxmaan Caynte, WasiirkaQorsheyntaiyo Iskaashiga caalamiga oo wasaaradiisu ay soo bandhigtay sahanta tirakoobak dadka Soomaaliya, ayaa sheegay in tirakoobkan uu yahay mid qiyaas ah, oo dowladda iyo dhammaan maamullada Soomaaliya ay ka qeybgaleen,

Ra’iisul-wasaare kuxigeenka dowladda Somalia, Maxamed Cumar Carter oo isna ka hadlay goobta lagu so bandhigay sahanka ayaa sheegay in tirakoobka dadka Soomaaliyeed ee la soo bandhigay uu sahli doono in Somaaliya ay doorasho ka dhacdo sannadka danbe

Waa markii ugu horreysay ee wasaaradda qorsheynta iyo iskaashiga caalamigu ay soo bandhigto qiyaasta tirakoobka dadka Soomaaliya, waxaana tirakoob noocan la mid ah Soomaaliya ugu danbeysay moddo haatan ku dhow 40 sannadood.

Warbixin arrintan ku saabsan ka dhegayso qaybta hoose ee boggan.

Dhegayso: Warbixin ku saabsan dawladda oo sheegtay tirada dadka Soomaaliaya
please wait

No media source currently available

0:00 0:07:05 0:00

XS
SM
MD
LG