Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Somaliland: Qaxootiga Yemen Waan Joojinay


Somaliland ayaa maanta ku dhawaaqday in ay joojisay Qaxoontiga ka soo qaxaya dalka Yemen ee soo galaya Somaliland, iyadoo sabab uga dhigtay laba arimood oo kala ah dhinaca nabad galyada iyo in hayadihii arimaha qaxoontiga ka shaqynayay ay diideen in ay dadka u dhashay Somalia u aqoonsadaan qaxoonti,

Hadalkan waxaa maanta hargeysa kaga dhawaaqay Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancade .

Shir jaraaid oo ku qabtay xafiiskiisa ayaa sidoo kale uu ku sheegay in qaxoontiga hore u joogay ay taakulayn doonaan si ay u gaaraan dalalkoodii.

Dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay ayaa waxaa Somaliland gaaray qaxooti gaaraya 3,000 oo qof oo ka soo cararay dalka Yemen.

XS
SM
MD
LG